SAWIRRO: Daawo sawirro hor-dhac ah oo muujinaya khasaaraha weerarkii galabta ee Jameeco.

Monday October 26, 2026 - 23:20:17
MeMO Staff
Xafiiska warfaafinta Al-Shabaab ee Al-Kataa'ib ayaa goor dhawayd baahiyey sawirro horu-dhac ah oo muujinaya khasaaraha baaxadda leh ee kolonyadii ciidanka dowladda kasoo gaaray weerarkii ay fulisay Al-Shabaab ee galabta ka qarxay deggaanka Jameeco ee gobolka Shabeellaha hoose.
Weerarkan ayaa sida ay Al-Shabaab sheegatay lagu dilay ciidan gaaraya 321 askari oo isugu jiray qaybaha kala duwan ee ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya ee garwadeenka uu ka yahay Xasan Sheekh Maxamuud.

Waxa kale oo xarakadu sheegtay in sidoo kale ay jiraan askar maxaabiis ah oo nolosha lagu qabtay, iyadoo bayaanka lagu lagu sheegay in tirakoobka dhimashada askartu uu horu-dhac yahay, isla markaana uu intaasi kasii badan karo, maadaama meelo fara badan maydadku ay bilqan yihiin.

"Sidoo kale, Mujaahidiinta ayaa gacanta ku dhigay inta badan gaadiidkii ay wateen kolonyada murtadiinta, kuwaas oo ay ku jiraan gaadiid gaashaaman oo ay cadawga Turkidu siiyeen maleeshiyada murtadiinta ah, gawaari tikniko ah iyo gaadiid xamuul ah oo ay ku raranyihiin sahay aad u xooggan…” ayaa lagu yiri bayaanka.

Waxa intaas dheer oo warsaxaafadeedka Al-Shabaab soo saartay lagu xusay in sidoo kale uu jiro hub iyo saanad fara badan oo jihaadiyiintu ay kusoo furteen weerarkan. Waxaana goobihii lagu dagaallamay haatan gacanta ku haya xoogagga Al-Shabaab.

Firxadka ciidamada Gurguurte ayaa la sheegay inay kala aadeen meelo kala duwan, halka qaarkoodna ay orod ku galeen saldhigga Ballidoogle, oo ahayd halkii ay kasoo ruqaansadeen qaar ka mid ah kolonyadan maanta la oof-wareemay.

Haddaba tirakoobka khasaaruhu waa uu socdaa weli, balse intaas ka hor halkan waxaad ka fiirsan kartaa sawirrada oo goor dhawayd la baahiyey, kuwaas oo aad ka dheehan karto baaxadda khasaaraha iyo jabka xooggan ee gaaray ciidanka dowladda.

Qaybaha sawirrada ee aad halkan ka arki karto maahee, waxaa jira qaybo kale oo si fiican iyaguna u muujinaya sida baaxadda leh ee loo jebiyey ciidanka DF Soomaaliya, kuwaas oo aad kaga bogon karto linkiga Telegramka ee yaalla xagga hoose.

https://t.me/SOMALIMEMOMEDIA

Related Items

Update cookies preferences